Back to top

SPEZIELL Somalisch

Qashinka gaar ah

Noocyada gaarka ah ee qashinka waa inaan lagu tuurin qashinka caadiga ah. Si aad u oggaato halka lagu tuuro qashinka sidan ah, la xiriir:

- Maamulada maxaliga ah

- Shirkaadaha qashinka (Dadka jarmalka ee la macaamila qashinka)

- Mulkiilaha gurigaaga ama daryeelaha guriga

- Jaararka iyo asxaabta yaqaan waxa la sameeyo

 

Qashinka Weyn:

Qashinka waaweyn waa in dib loo cusbooneysiiyo oo dib loo isticmaalo ama lagubo si looga abuuro tamar. Qashinka waaweyn waxaa loo gudbinayaa qashinka aadka u waaweyn ee sanduuqyada ama qashin qubayada (sida. Sariiraha shandadaha, roogaga, baaskiilada). Muhiim: laguuma oggola si fudud inaad ugu tuurto qashinka waaweyn meel ama aad gubo. Tani waa fal dambiyeed.

 

Korontada duuga ah:

Qalabyada korontada ah waxay ka koobayihiin qalab qiimo leh, laakiin waxaa sidoo kale ku jira qalab waxyeelo leh. Qalabayada korontada ah ee Duuga ah ama jaba dib ayaa loo hagaajiyaa oo waxaa loo iibiyaa sida qalab la isticmaalay ahaan ama dib loo sameeyay, sidaa dartee qalabayada qiimaha leh ee ay ka koobanyihiin waxaa loo isticmaali karaa badeecooyin kale. Korontada duuga ah waxaa loo gudbinayaa badeecooyinka leh koorka korontada ama batariga (sida. shiidaha, telefishanka, moobeelka, qasaaladaha, mashiinka timaha).

 

Dharka duuga ah:

Dharka huudheydka ah midkood  ama dib ayaa loo isticmaalaa ama waxaa laga dhigaa bustayaal iyo dhar. In sidaas la sameeyo waxay u aahantahay in la nadiifiyo oo la geliyo baako (lagu rido bac). Dharka duuga ah waxaa ku jira dharka la isticmaalay, kabaha, bustayaasha iyo go’yaasha. Waxaa lagu uririyaa qashin qub qaar ah oo loogu talogalay dharka duuga ah.

 

Alaabta halista ah:

Sunta iyo qashinada halista waxaa looga ururinayaa si gaar aah noocyada kale ee qashinka ah si loo ilaaliyo banii aadamka– gaar ahaan carruurta – sidoo kale xayawaanka iyo dhirtaba. Alaabta halista ah waxaa laga heli karaa, tusale ahaan batriyada, laambadaha tamarta kaydiya iyo kiimakooyinka (sida. koolada, rinjiga, dhacaanada). Alaabta halista ah waxaa lagu aqoonsan karaa astaamaha digniinta iyo calaamadaha ku baakideysan.